Maxaa Ka jira In Agaasimaha Cusbitaalka Degmada Gabiley Guryo Ka Dhistay Magaalada Hargeisa..W/Q:-Nouman M Muse

Agaasimaha hospitalka Degmada gabiley  2013 ayuu ka qalin jabiyey jamacada hargeisa, Waxa shaqadisa ugu horeysey uu ka bilaabey hospitalka gabiley 2014,

Mudo yar ka bacdi waxa laga dhigey agaasimaha hospitalka gabiley, shaqadiisa ugu horeysey iguna danbeysey ka shaqeeyaa waa hospitalka gabiley.

Agaasimaha hospitalka gabiley sanadkan 2019 waxa uu magalada hargeysa ku leeyahey sadex guri labada ka mida isaga iyo xaafadooda ayaa wada leh oo uu isagu udhisey, halka ka kale  isaga iyo mid ay saaxiib yihin wada leeyihiin, Waxa sidoo kale dib u cusboonaysiin lagu sameeyey guri ay xaafadoodu ku laadahay magaalada gabiley, sida ay ii xaqiijiyeen asxaabta ay isku dhow yihiin wada shaqeeyaana.

Waxa la ii carabaabey oo cadeynteeda aan la heli karin inuu qeyb (share) ku darsadey agaasimaha hospitalka gabiley Telesom Gabiley iyo warshada daqiiqda Asli milis oo uu laba qacmoodku darsadey (10 000) dollar, sida oo kale alhayaat diagnostics oo wakhtiga hore qeyb kula haa hadeer waa la wada wareegey isaga ayaana iska leh.

Mid ka mida dumarka ku umulayey hospitalka gabiley Waxa loo diidey in loo diwaan galiyo dumarka ku umulaya hospitalka gabiley, ilaa mobile ay siteen damiin looga dhigo, waxa xogtan ilaa wadaagey Mid ka mida bulshada reer gabiley waxa uu sheegey dhawr bilood ka hor gabadh qoyskooda ka umuleysey iney hospital ka gabiley geeyeen iyaga oo wax lacaga ayna qacanta ugu jirin.

Waxa kale oo ay shaqaalaha hospitalka gabiley isii cadeeyeen iney wax iska caadiya tahey oo malin walba dhaca dumarka umulaya mobile k damiin haan looga reebo.

Daawashada daalinka iyo dulmiga cidna darajo kaga dooni meyno

 

Somali Activist

Nouman M Muse