Wajaale iyo Dhibaatada Waddo Xumida Wakhti Roobaadka.

Magaalada Tog-Wajaale Oo kamida Ilaha Dhaqaalaha somaliland islamarkaana ah xudunta koowaad ee ganacsiga geeska africa, waxay magaaladaasi nasiib u yeelatay inay noqoto meesha kaliya ee ay ku kala wareegaan alaabooyinka iyo ganacsiyada dalalka dariska la ah somaliland oo kala ah Djabouti iyo Ethiopia iyo Somaliland, ganacsatada kala duwan ee ka ganacsada alaabta ayaa gaadiidka ay kasoo rartaan Djabouti iyo magaalada berera oo ay ku taalo Dekeda Berbera port, ayaa isugu yimaada magaalada wajaale halkaas oo ay ku kala wareejiyaan gaadiidka u Qaadaya dalka itoobiya kuwaas oo liismada ganacsiga dalka ethiopia u haysta inay si furan ugu ganacsadaan,hadaba dhibaatada baaxada leh ee ka haysata bulshada kala duwan ee arrimaha ganacsi u yimaada magaalada wajaae iyo dadka kunoolba, ayaa waxay tahay Waddo Xumo soo foodsaarta wakhti xili roobaadka taas oo sababta inay khatar galaan, gaadiidka alaabta iyo bulshada ku nooliba.

Sawiradan idiin Muuqdaa waxay ka mid yihiin Gaadiid kala duwan Oo ku Qalibmay ama ku dhacay gudaha Wajaale, waxaana dhibaatadani timaadaa inta badan Wakhtiyada roobabka, deegaanka wajaale oo carrada ama ciideedu tahay mid aad u jilicsan waxay u nugushahay roobabka.