Aqoonyahan C.raxmaan Xaaji Nuur Oo Ku Taageeray Go’aankii ay Ka Istaageen Odayaasha Madasha Wadatashigu Muddo Kordhinta Loo Sameeyey Golaha Wakiilada Jsl.

Hargeisa(GNN):-Aqoonyahan C/raxmaan xaaji  Nuur Oo kamida Haldoorka reer Soomaaliland,Oo ka faalooday arrimaha siyaasada geeska inta badana wax ka qora siyaasada reer galbeedka iyo duulaanka ay ku yihiin wadamada dihin ee Africa, ayaa ka faalooday xaaladda dalka iyo Meesha Haatan marayso,

Waxaanu aqoonyah C.raxmaan ku dheeraaday ismariwaaga u dhexeeyey mudooyinkii u danbeeyey xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo xukuumada oo ku saabsanaa muranka xubnaha komishanka iyo sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho xalaal ahi.

Waxaan dareen togan ka bixiyey Muddo kordhinta ay maanta u sameeyeen golaha guurtida somalilland mudanayaasha wakiilada, isagoo ku tilmaamay arrin aan wakhti xaadirkan loo fadhiyin kuna tilmaamay mi meel ka dhac ku ah nidaamkii la filayey in tubta horumarka looga sii dhaqaaqo dhinaca dimuquraadiyada Somaliland.

Aqonnyahan Craxmaan ayaa hadalk kooban oo uu soo dhigay baraha bulshada ku taageeray go’aankii madasha wadatashigu ku ayiday mudo kordhinta golaha wakiilada waxaanu yidhi sidan:-“Hadalka Waxa Dhameeyay,Mujaahid Xasan Guure, iyo odayaasha madasha wadatashiga oo ah odayaal qaranka lexejeclo badan ka qaba “Waxaan Aad iyo Aad ugu Hambaliyaynayaa Hadalka Miisaanka le uu Tilmaamay Mujaahid Xasan Guur.

C,raxmaan xaaji nuur ayaa Ka dhawaajiyey in golayaashii la rabay inay bulshada horseed u noqdaan iyagu kaw ka yihiin sharci jabintii dalka.

Isagoo tilmaamay in Masuuliyada doorashada iyo qabashadeedu dusha ka saaran tahay madaxweynaha oo ay kamid tahay masuuliyadaha loo igmaday.

Aqoonyahanka ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyey inay kow ka tahay muranka maadaama qaabka ay iyadu usoo magacowday xubnaha muranku ka dhashay ahaa mid khaldan oo aan wax qadarin ah la siin shuruucdii dalka.