Baarlamaanka 15 Sanadood Ku Fadhiyey Imikana Aan iyagu Sharci ahayn Cidda Waxay Soo Saarto Sharci u Haysata Ayaa Ka Sii Waalan.Jamal Ali Hussein.

Baarlamaanka 15 Sanadood Ku Fadhiyey Imikana Aan iyagu Sharci ahayn Cidda Waxay Soo Saarto Sharci u Haysata Ayaa Sa Sii Waalan.Jamal Ali Hussein.

Hargeisa(GNN):-Aqoonyahan Jamal cali Xuseen ayaa Qoraal Kooban oo uu Kagaga Hadlayo arrinta maanta ay goluhu ku ansixiyeen Xubnaha komishanka cusub ku yidhi sidan:-

Horta doorasho Baarlamaan laba sababoodba uma dhacayso. 1. Horta doorashadeena 75% kharashka ku baxa Waxaa bixiya beesha caalamka ( international community), kolkaa beesha caalamkuna way cadaysay in doorasho aan dhamaan laga raalli ahayni aanay lacag ku bixinaynin. 2. Hadduu qof ku doodo ka waran haddaynu inagu iska bixino. Umalayn maayo in aynu inagu doorasho iska bixin karno laakiin haddii ay dhacdaba Oo aynu iska bixino, umaleyn maayo in doorasho la qaban karo xisbigii aqbaliyadda 40% lahaa uu ka maqan yahay in cidi qabanayso haddii aan la sameyneynin Indho adkaan iyo in dadku is dilaan Oo gacanta iskula tagaan. Haddaba haddii aanay dhacaynin doorasho waxa qudha ee laga dhaxlayaa waa cimri dherer iyo dadka laysku soofeeyo, iyo dimuqraadiyaddii awalba beenta ahayd Oo soo oodantay iyo sharci daraddii awalba jirtay Oo sii xuub dilaacsatay. Nimanka kuraasta imika Baarlamaanka 15 sanadood ku fadhiyey imikana aan iyagu sharci ahayn cidda Waxay soo saarto sharci u haysata ayaa ka sii waalan. Ama saaxiga la keeni ama si kale ayeey ku danbeyn, kibirka waa la yaqaan Wuxuu ku danbeeye.