Booliska Kenya ayaa baddalaya nidamkii hore ee loo diiwaan gelin jiray dambiyada kaas oo ahaa mid buug iyo qalin lagu qori jiray, waxaana arrinta laga fulinaya guud ahaan xarumaha booliska ee dalkaas.
Waxaa arrintani looga golleeyahay in la xaqiijiyo hufnaanta diiwaanka dambiyada iyo inay noqdaan kuwo laisku haleyn karo.
Waxaana hadda diiwaanka uu noqonaya mid casri ah si looga fogaado in diiwaanka uu lumo ama isbaddallo lagu sameeyo.
Taliyaha guud ee booliska Kenya,Hilary Mutyambai waxaa uu sheegay in diiwaanka casriga ah ee dambiyada uu noqon doono mid aan waxbo laga baddali karin isla markaasna laga dhigayo mid keyd ah oo kama dambeys ah si sare loogu qaado hufnaanta iyo caddaalladda.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhammaan taliyeyaasha booliska dalka ay dusha kala socon doonaan dhammaan dambiyada la diiwaan geliyay taaas oo booliska ka caawin doonto shaqadooda.
Sahan la sameeyay dhawaan ayaa muujinaya in booliska Kenya ay yihiin laanta ugu musuq maasuqa badan guud ahaan dalkaas.