Booliska Nigeria oo soo badbaadiyay dad lagu hayay xarun ku dhex taal misaajid

Booliska Nigeria ayaa 259 qof kasoo badbaadiyay xarun ku dhex taal misaajid ku yaal koonfur galbeed gobolka Oyo ee dalkaas.

Inta badan dadkan lasoo badbaadiyay waxay ahaayeen dad katiinadeysan xilli lagu hayay xarun ku taal misaajidka, sida uu sheegay afahayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Gbenga Fadeyi.

Waxaa la xiray maamulihii xarunta iyo 8 qof kale oo ku sugnaa halkaas.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii in ka badan 1,000 qof laga soo badbaadiyay xarumaha lagu tarbiyeeyo dadka ee ku yaal Nigeria.

Waaliddiinta dalkaas ayaa carruurta dhibka badan geeya xarumaha dhaqan celinta gaar ahaan kuwooda la rumeysan yahay inay daroogada saameyn ku reebtay noloshooda.

Saraakiisha waxay sheegeen in xarumahaas lagu jirddilo carruurta.