Ciiidamada Booliska Gobolka Gabiley Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Cabdinaasir Guray Oo Ka Hawlgala Tvga Universal.

Hargeisa(GNN):-Ciidamada booliska gobolka gabiley ayaa caawa fiidkii xabsiga utaxaabay Wariye Cabdinaasir Guray Meecaad oo hawl gala Tvga Universal Qaybtiisa magaalada gabiley.

Xadhiga wariyaha ayaan wali wax faah faahin ah Aanay ka bixin ciidanka booliska iyo maamulka gobolka gabiley.

Wararka laga helayo xadhiga wariye cabdinaasir ayaa sheegay in ay ka danbaysay kadib markii uu Wax ka qoray dhalinyaro yar yar oo maxkamada gabiley xukun ku riday kaasi oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga, sida ay sheegeen xogaha laga helayo xadhigiisu, dhalinyaradan oo ahaa kuwo aad uyar yar islamarkaana aan gaadhin da’dii sharcigu ogolaa in maxkamadi xukun ku ridi karto muwaadin loo hayso danbi uu galay.

xukunka maalintii shalayto ahayd ka dhacay maxkamada gobol degmo ee gabiley oo ahaa 4 dhalinyaro ah oo lasheegay inay xadeen mobile oo lagu xukumay 6 sano iyo todoba milyan oo ganaaxa wariye naasir meecaad ayaa qoraalkiisu ku saabsanaa ilaalinta xuquuqda afarta wiil oo aad u dayaraa baahiyay,

Waxaa Ilo Wareedyo kala duwani tibaaxeen in markii La Xidhay Wariye qoraa sare C.naasir guray meecaad oo inta Badan wax ka qora dadka danyarta iyo dadka aan hadlan karin lagu amray inuu ka saaro pagekiisa facebook qormadaasi uu ka qoray habeenkii xalay dhalinyartan aan qaangaadhin  ee xukunka lagu riday.

Inkasta oo aanu isku daynay inaanu Wax ka waydiiyo laamaha Amniga ee Gobolka Gabiley Nooma ay Suurto galin inaanu ku helo telefoon.

La Soco Wixii Warar ah ee kasoo kordha Xadhiga Saxafigan.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network