Dawlada Somaliland oo Markii ugu Horeysay Bilowday Tababarka Saraakiisha Ciidamada Qaranka.

Hargeisa(GNN):-Waxaa Xukuumada Somaliland ee uu hogamaiyo Madaxweyne Muuse Biixi cabdi ay markii ugu horeysay Ibo furtay Kuliyada Tababarka Saraakiisha Ciidamada Qaranka Somaliland.

Daahfurka Dugsigan lagu tababarayo Ciidamada Loo carbinayo Sidii ay u Noqon lahaayeen Saraakiishii mustaqbalka dalka hogaamin lahayd dhinaca ciidamada, ee bedel u noqon lahaa ragga maanta hormuudka u ah ciidamada, ayaa ka dhacday Xarunta Dugsiga tababarka ciidamada Qaranka ee Dararweyne.

Khudbado kala Duwan oo laga jeediyey Munaasibadaasi oo Noqonaysa Markii ugu horeysay ee Somalialnd ku tababarto Ciidamada Saraakiisha dalka Gudihiisa, ayaa halkaa waxaa khudbado Doora ka jeediyey saraakiisha ciidamada, Wasiirka Gaashaandhiga, iyadoo markii danbe uu soo afmeeray Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland oo Ciidamada Ku Dhiirigaliyey inay dadaal Muujiyaan wakhtiga ay tababarka ku Jiraan.

Halkan Hoose Ka Daawo Barnaamij Kuusoo Koobaya Khudbadihii Laga Jeediyey madashaasi.

https://youtu.be/Oh-xZyhiBfk