Deg-Deg-Wajaale-Askari Kastirsan Ciidanka Kastamka Cashuuraha Oo U Dhintay Rasaas Ku Dhacday.

Wajaale(GNN):-Alle Ha Unxariistee Askari  tirsan ciidanka TurbaTaariyada ayaa galabta ku geeriyooday Kastamka Magaalada Wajaale Ee Gobolka Gabiley kadib markii ay ku dhacday xabad ka qaraxday askari ay ka wada tirsanaayeen ciidanka kastamka wasaarada maaliyada, ee magaalo ganacsiyeedka tog wajaale dhexdiisa  Taasi Oo sobobtay Geerida Askarigan.

Taliyaha ciidanka Turba taariyada ee Wajaale oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa sheegay in dilkan ay sobobtay kadib markii askari ciidanka katirsan Ay  xabadi kaga qaraxday taasi oo ku dhacday gidaar kadibna kusoo noqotay askariga Geeriyooday Ayuu yidhi taliye Baashe.

Wararka kale laga helayno dhacdadan ayaa sheegay in khilaaf soo kala dhexgalay labadan askariga ay sobobtay xabad uu ku dhufto marxuumka geeriyooday,askarigii kale,

Askariga Geeriyooday ayaa lagu magacaabaa Alle ha,unaxariistee Marxuum Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Axmed,

Majiro war rasmi oo kasoo baxay dhacdaani halka maamulka degmada tog wajaale oo aanu wax ka wadiinay kaliya noo xaqiijiyeen in falkaasi dhacay galabta 4;00pm balse wax faahfaahin aanay ka bixinay inta lagu jiro baadhistiisa

Askariga gacantu ka dhacay iyo alle ha,unaxariistee maydka Askarigii kale ayaa loosoo Qaaday dhinaca Magaalada Hargaysa

Laamaha Amaanka ayaa wali baadhitaano ku wada dilkan ka dhacay magaalada tog wajaale ee gobolka gabiley kaasi oo laga war sugi doona wixii kasoo baxa.