Dib U Milicso Magaalada Saylac iyo Taariikhada Ku Duugan, Deegaankii Xadaarada Somaalida.

Saylac waa magaalo Qadiimiya oo ku taala Galbeedka Somaliland, waa caasimada gobolka Salel, magaalada Saylac waxaa ku taala Xeeb uu aad u weyn.

Sida taariikhda lagu sheego magaalada Saylac waxaa ay jirtay mudo ka badan afar iyo toban Qarni, waxaa ay taariikhyahanadu sheegaan inay tahay meeshii ugu horeysay ee Diinta Islaamku kasoo gasho dhulka soomaalida kadib markii carab ganacsato ahi ay keeneen diinta.

Saylac waxaa ku yaala masjid la yidhaahdo Qiblataynka waana masjid leh laba qiblo, waxaa la sheegaa in markii hore aa loo tukan jirin qiblada masaajidkan loogu tukan jiran dhinaca Masjidul aqsa balse markii dambe Masjidka Xaramka loo jeediyay.

Magaaladani waa magaalo qadiimiya waxaa lagu sheegaa inay wakhtiyada qaar ahayd Xudunta ganacsi ee Bariga Afrika.dhismayaashii hore ee magaaladani lahayd waxaa ka muuqda burbur xoog badan wallow ay jiraan dhismayaal  cusub oo ay ka fuliso dawlada Somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Barnaamij Wakhti Hore Laga Diyaariyey.