Erdogan Oo Shuruud Aan Macquul Ahayn Ku Xidhay Kabixitaanka Ciidamdiisa Ee Dalka Suuriya

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ciidamadiisa aysan ka bixi doonin gudaha dalka Suuriya tan iyo inta ay ku sugan yihiin dagaalamyaal katirsan kooxda Kurdiyiinta.

Turkiga ayaa bishii hore bilaabay duulaankiisii sadaxaad uu ku soo qaado waqooyi bari dalka Suuriya kuwaas uu ku bartilmaamayd sanayo dagaalamyaasha kurdiyiinta.

Ujeedka weerarka Turkiga ee xadka Suuriya ayaana ah sidii uu halkaasi kaga sameen lahaa aag amaan ah uu soo dajiyo labo milyan oo qaxooti Suuriyaan ah kuwaas oo haatan ku nool gudaha dalka Turkiga.

Madaxwayne Erdogan ayaa mar uu wariyaasha lahadalayay sidoo kale sheegay in sababta kali ah ee Suuriya kaga bixi karaan ay tahay in ay baxaan dhamaan ciidamada shisheeye ee dalkaasi ku sugan.

Duulaanka Turkiga ee waqooyi bari dalka Suuriya ayaana yimid kadib markii madaxwayanha Mareykanka uu shaaciyay in ciidamadiisa uu kala baxay halkaasi.