Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay weerar ay koox fallaago ah ku qaadday magaalada Beni ee ku taal bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ragga weerarka fuliyay ay kasoo jeedeen jabhadda ADF ee ka dagaalanta halkaas.
Kooxdii weerarka soo qaaday waxay adeegsanayay baangado markii ay weerarka ku qaadeen halkaas.
Militariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa joojiyay dagaalka inkasta oo ay xiisad ka taagan tahay halkaas.
Shacab careysan ayaa xiray waddooyinka magalaada Beni, waxay dhagxaan ku tuureen baabuur ay leedahay ha’yadda Qaramada Midoobey oo marayay halkaas.
Waxay Qaramada Midoobey ku eedeeyeen inay ku guuldareystay inay xaqiijiso amnigooda.