Golaha Wakiilada jsl Oo La Filayo Inay Indho La’aan Ku Ansixiyaan Komishanka Cusub Xili Xubnaha Qaar Muran Ka Taagan Yahay.

Hargeisa(GNN):-Golaha Wakiilada Somlailand ayaa Maanlinta Barri ah la horkeenayaa Lix kamid Xubnaha Cusub Ee Komishanka Doorayooyinka, xili khilaaf ka taagan yahay laba kamid ah xubnaha komishan cusub ah oo xisbiyada mucaaridku diidan yihiin kamid Noqoshadooda. Golaha Wakiilada ayaa lagu wadaan in ay gudo galaan Ansixinta Xubnaha Cusub ee komishanka iyadoo uu ka maqan yahay xubintii xisbiga Wadani u Matali Lahayd Komishanka Doorashooynka,Kadib markii ay shaaciyeen in ay la laabteen, Wararka laga helayo ololaha xukuumadu ugu jirto sidii loo Ansixin lahaa xubnaha cusub ee komishanka ah ayaa laga dareemayaa caawa magaalada hargaysa taasi oo sida xogaha laga helayaan tibaaxeen ay xukuumadu diyaarsatay in ka badan 58 xildhibaan

Dhanka kale wararka laga helayo xisbiyada mucaaridka ah ee Wadani iyo ucid ayaa iyagu dhankooda ku hawlan sidii ay u muujin lahaayeen diidmada ay ka qabaan ansixinta xubnaha komishanka iyagoo abaabul culus ugu jira sidii ay xildhibaanada kasoo kala jeeda wadani iyo ucid golaha dhexdiisa uga sheegi lahaa mawqifka xisbiyadoodu ka taagan yihiin, halka Walaac weyn laga muujinayo in ololaha labada dhinac ee xukuumada iyo mucaaridka ahi ay buuq jaahwareer galiso fadhiga golaha wakiilada ee maalinta barri taasi oo lafilayo in xukuumaduna xarunta golaha soo dhoobta ciimado tiro badan.

Khilaafka ka tagaan qaar kamid ah xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka uu usoo xulay madaxwayne biixi ayaa laga cabsi qabaa in maalinta barri ah ay abuurto jawi sii cakira muranka udhexeeyay xukuumada madaxwayne biixi iyo xisbiyada mucaaridka wallow aanay awood buur golaha ku haysanin xisbiyada wadani iyo ucid taasi oo suurto gal ka dhigaysa in si fudud loo ansixiyo dhamaan xubnaha komishanka ah iyadoo ay safka hore kaga jiraan labada xubnood ee Buddhiga u ah muranka xukuumada iyo xisbiyadu oo kala ah Cabdirashiid Riyo Raac Oo isagu ahaa xubin siwayn uga dhex muuqatay xisbiga kulmiye wakhtigii ololaha isagoo xilka wasiirnimana kasoo qabtay xukuumadii axmed siilaanyo, iyo marwo kaltuun sheikh xasan cabdi Madar oo hore uga mid ahayd komishanka wakhtigan la badalayo halka ay dooda xisbiyadu ee ay ku diidan yihiin tahay marwo kaltuun oo ay madaxwayne bixi ku eedeaynayaa in uu jabiyay heshiiskii ay ka wada gaadheen komiishankii hore,

Dhanka Golaha wakiilada somaliland oo iyagu wakhtigoodu dhammaay dhawr jeer islamarkaana ah kuwa wakhtigan la doonayo in dalka laga qabto doorashadii lagu bedeli lahaa ayaan dani ugu jirin in muranka asxaabta mucaaradka iyo xukuumadu dhammaad, taas bedelkeedana ay meelmariyaan xubno lagu muransan yahay oo aan wali lagu heshiis si ay doorashadu dib ugu dhacdo una sii fadhiyaan wakhti dheeraad ah, taas oo ah rajada kaliya ee ay qabaan golaha wakiilada jsl.

Ifafaalaha arrimahaasi ka marag kacaya ayey kamid tahay muranka durba ka dhashay markii ugu horeysay ee xubno kamid ahi hortageen gudi hoosaadka golaha wakiilada oo sababtay in gudoomiye baashe bedel ku sameeyo xildhibaano ka tirsanaa gudihoosaadka golaha ee kulanka la yeelanayey xubnahan komishanka cusub oo maalintii shalay hortagay golaha wakiilada.

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga war sugi doonaa natiijada kasoo baxda golaha wakiilada maalinta barri ah wallow xukuumada madaxwayne biixi aanay marnaba diyaar u ahayn in Ay ka laabato go’aankeeda ah in komishanka cusub ay kamid noqdaan labada xubnood ee mucaaridku diidan yahay.

Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network