Hargeisa-Aqoonyahan Ciidamada Amaanku u Xidheen Sifo Baalmarsan Xuquuqda Muwaadinka.

Hargeisa(GNN):-Aqoonyahan Maxamed Cabdi Jaamac Dhimbiil oo loo garan og Yahay (Bireeye) kana mid ah dhalinyarada reer somaliland ee baraha bulshada kagaga faalooda aragtidooda shaqsiga ah Xaalada guud ee Dalka, Siyaasada geeska iyo duruufaha ku xeeran, ayaa saaka wakhti ku beegan 10:00 subaxnimo ciidamada booliska somaliland ka hor qafaasheen wadada hor marta Xarunta guud ee Wasaarada Maaliyada Somaliland jsl, Qaabka xadhigiisa oo aaney jirin habayaraatee wax waaran soo qabasho ah oo loo keenay iyo dariiqii sharciga ahaa ee uu siiyey Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland xaqa muwaadinka iyo xuquuqdiisa kaas oo cadaynaya in haddii aanu qofku markaa kula jirin faraha fal danbiyeed weyn oo khatar ku ah amniga iyo nafaha bulshada la xidhi karo waaran la’aan,

Balse haddii qofka laga cawdo ama lasoo dacweeyo lagu xidhi karo waaran qabasho oo loosoo marayo hay’adaha qaranka u qaabilsan.

Ciidamada booliska ayaa Maxamed Dhimbiil ku xidhay xarunta Dambi baadhista somailand ee C.I.D, iyaga oo Aan sheegin sababta loo xidhay iyo dambiga uu galay toona.

Xadhiga Aqoonyahan Muxamed Dhimbiil ayaa loo tuhansan yahay inay ka danbayso aragtidiisa shaqsiga ah oo uu baraha bulshada kagaga faaloodo qoraalo iyo faallooyin ku taxaluqa duruufaha somaliland iyo jawiga siyaasadeed ee dalku ku jiro,  iyo Guud ahaa Isbedelada siyaasadeed ee kasocoda geeska africa.

waxaa sidoo aqoonyahanku maqaalo la xidhiidh uu ka qoray baahiyaha la filayey in xukuumada madaxweyne biixi bulshada wax uga qabato oo aan wali la dhamaystirin kuwaas oo ay kamid yihiin biyaha iyo baahiyaha kale ee bulshada.

Dhanka kale xogaha laha helayo xadhiga aqoonyahan Maxamed Dhimbiil ayaa intaa ku daray in xadhigiisu ay sabab u tahay qoraal maldahan oo uu kaga hadlayo dhaq dhaqaaqyada ka socda jabuuti kuwaasi oo siyaabo kala duwan loo turjumay amarka xadhigiisuna uu ka yimid dhinacaasi,

Ciidamada booliska iyo xukuumada ayaan wali ka hadal xadhiga Aqoonyahan dhimbiil iyo sobobta ka danbaysa.

Maxamed Dhimbiil ayaa dhanka kale ah hogaamiyaha urur siyaasadeed lagu magacaabo S.P.P oo ah sida uu baraha bulshada hore ugu baahiyey  urur loo diyaariinayo in uu hawlgalo marka ay gaadho furista ururada somaililand, Xanbaarsana aragtida dhalinyarada Somaliland.

La Soco Wixii Warar Ah ee La Xidhiidha Xadhiga Dhimbiil.

 

Gabiley News Network

Hargeisa Somaliland