Hindiya: Maxkamad Amartay In Dhul Uu Ku Yaallay Misaajid Lagu Wareejiyo Hinduuda

Maxkamada ugu sareysa dalka Hindiya aya xukuntay in lahanshiyaha goob uu ku yaalay masaajid lagu wareejiyo dadka haysta diinta Hinduus-ka.

Goobtani oo si aad ah loogu muransanaa islamarkana uu ku yaallay Misaajid ayaa waxay ku taalla magaalada Ayodhya islamarkana waxaa imika laga dhisi doonaa macbad ay leeyihiin dadka Hinduuda .

Maxkamada ayaa amartay sidoo kale in Muslimiinta la siiyo goob kale oo ay Misaajid ka dhistaan.

Maxkamada ugu sareysa Hindiya ayaa dhanka kale xustay in burburintii loo gaystay Misaajidkii goobtaasi ku yaalay 16 qarni ay ahayd mid sharci daro ah.

Muslimiinta iyo Hinduuska ayaa toboneeyo sano ku muransanaa misaajidka Babri ee ku yaalla Ayodhya kaasi oo ay Muslimiinta ku so cibadeysanayeen 16 qarni.

Kiiska maxkamada ayaa ku qotomay lahaanshiyaha dhulka uu misaajidka ka yaallo waxa uuna soo daba jiitamayay sanooyiin badan.

Dadka Hindus-ka ayaa rumaysan in goobta uu Misaajidkan ka dhisan yahay ay tahay goobtii uu ku dhashay ninka ay caabudaan ee, Lord Ram, waxayna doonayaan in halkaasi ay macbad ka dhistaan.

Muslimiinta ayaa dhankooda ku doodaya in misaajidkaasi ay ku cibaadeysanayeen qarniyo badan.

Iskuulada iyo goobaha kale ee waxbarshada ayaa la xiray waxana sidoo kala la xiray dhammaan wdaooyinka soo gala maxkamadda.

Koox Hinduu xagjirka ah ayaa burburiyay sanadkii 1992 misaajid ay muslimiinta leeyihiin oo dhisnaa 16 qarni .

Burburinta misaajidkaasi ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo qaybo badan oo ka mid ah dalka Hindiya oo ay ku dhinteen 2000 oo qof.