Hogaamiyaha Jarmalka Oo Markii Ugu Horaysay Booqanaysa xero Uu Hirtler Dadka ku Xasuuqi Jiray

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa qorshaynaysa in markii ugu horaysay mudada 14ka sano ah ee ay hogaaminayso dalkaasi ay booqato xoro uu Hirtler dadka ku xasuuqi jiray intii uu socday dagaalwaynahii 2aad ee Aduunku oo magaceeda la yidhaa Auschwitz.

Wargayska ay xaruntiisu tahay magaalada Muunikh ee maalinlaha ah ee la yidhaa Sueddeutsche Zeitung ayaa qoray in Ms. Merkel ay aqbashay martiqaad ay kaga qaybgalayso sanadguurada 10aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Jimciyada the Auschwitz-Birkenau oo ah jimciyad la aasaasay 6da Dicember ee sanadkii 2009kii, taas oo xusta xasuuqii ka dhacay xeryahaas

Xafiiska Ms Mekel ayaa dhinaciisa xaqiijiyay in booqashadani ay qorshaysan tahay, suura galna ay tahay in isbedel ku yimaad.

Xeryahan Auschwitz-Birkenau ayaa ku caan ahaa xasuuq, waxana la taariikhyahanadu xusaan in xisbigii Nazi-ga ee Hitler uu xeryahaas ku gumaaday dad kor u dhaafayay halmilyan oo qof oo u badnaa Yuhuud intii u dhaxaysa 1939 ilaa 1945kii.

Exit mobile version