Hogaamiye Diiday in Dalkiisa Laga Gargaaro Abaaro ku Dhuftay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa diidday inay aqbasho 50,000 oo tan oo bariis ah oo Kuuriyada Koofureed ay ku deeqday. Xili dalkaas ay ka jiraan abaaro iyo cuno yari, iyadoo diidmada lala xiriiriyay xiisadda u dhaxaysa labada dal.

Wax soo saarka beeraha ee Kuuriyada Waqooyi ayaa aad hoos ugu dhacay, taasoo ka sii dartay xaaladda cunto yaraan ee aadka u daran ee dalkaasi ka jirta, sida ay sheegeen koox wax indha indheysa.

Iyagoo adeegsanaya dayax-gacmeed, ayaa ururka fadhigiisu yahay dalka Switzerland ee Geoglam ayaa sheegay in abaartu ay saameysay dalagyada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tobankii qof ee Kuuriyada Waqooyi ku nool ay afar ka mid ah u baahan yihiin gargaar cunto isla markaana wax soo saarka dalagga uu heerkii ugu xumaa taagan yahay muddo shan sano ah.

Cunto yaraanta ayaa waxaa ka sii daray cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Kuuriyada Waqooyi, sababo la xiriira barnaamijkeeda hubka.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cunnada iyo Beeraha (FAO) ayaa sheegtay in wax soo saar liita oo bariiska iyo galleyda ah uu sababay in in ka badan toban milyan oo qof ay u baahdaan gargaar.