Hogaamiyihii Midowga Soviet: Dunida waxaa kusoo wajahan halis weyn

Hogaamiyihii Midowgii Soviet, Mikhail Gorbachev oo la hadlayay BBC ayaa ka digay in xiisadda haatan u dhexeeysa Ruushka iyo Reer Galbeedka ay dunida u horseedi karto ‘halis weyn’ oo ka imaaneysaa hubka Nukliyeerka.

Waxaa uu sheegay in inta dalalka qaar ay heystaan hubka Nukliyerka ay khatarta sii jiri doonto isla markaasna ay tahay in la burburiyo hubkaas.

Mar waxa laga weydiyay xiisadda ka dhex taagan Reer Galbeedka iyo Ruushka wuxuu sheegay in weli uu dagaal jiro marka la eego waxyaabaha haatan dunida ka dhacayo.

“Qeybo badan oo dunida ah waxaa ka taagan dhibaatoooyin sida toogasho, diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka ayaa meel kasta loo daabulaya, ma ahan arrin tallaabo aan fileyno” ayuu yiri Mikhail Gorbachev.