Ardeyda jaamacadaha UK ayaa waxay wajahayaan caqabado, ka dib markii macallimiintii ka hawl galeeysay 60 jaamacaadood ay bilaabeen mudaaharaadyo soconaya 8 maalmood.
Xubnaha ka tirsan Midowga Jaamacadaha iyoMachadyada ee UCU ayaa waxay ka cabnaayaan lacagta hawlgabka iyo mushaharka. Dibedbaxayada ayaa waxay saameeyn doonaan ku dhowaad nus ka mid Jaamacadaha UK.
Jaamacadaha ayaa sheegayaa in mudaaharaadyada aysan xal noqon doonin waxayna ballan qaadeen inay yareyn doonaan dhibaatoyinka ay ardayda kala kulmayaan ficliladadaasi.
Xubnaha ka tirsan Midowga Jaamacadaha ayaa marka ay soo laabtaan ku dhaqaaqi doono ficillo ay ka mid yihiin inaysan ogolaan in casharadii baaqday inta ay dibadbaxyada socodaan aanay dib ugu soo celin.
Dibedbaxyadaan ayaa waxay daba socdaan kuwii dhacay bishii Febraayo iyo Maarso sannadkii hore taasi oo ka dhigan in ay jiraan arday markii labaad ay sameyn ku yeelanayaan dibedbaxyadaan cusub oo socon doono 25-ka Nofeemabar ilaa iyo 4ta Deseembar.