ONLF oo maanta dooraneyso guddoomiye cusub

Ururka ONLF ayaa maanta la filaya in guddoomiye cusub ay ku doortaan magaalada Godey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya xilli maalmihii lasoo dhaafay uu shirweyne uga socday halkaas.

Ururka ayaa ku heshiiyay in xubnaha golaha dhexe laga dhigo ilaa 115 xubnood, waxaana lagu wadaa in maanta ay ansixiyaan xubnahaas isla markaasna ay ka dhex doortaan guddiga fullinta ee ururka ONLF , kaddibna ay kasii dhex doortaan guddoomiyaha cusub ee ururka, sida uu kusoo warramaya weriyaha BBC, Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.

Waxaana xilka guddoomiyaha u tartamaya Cabdiraxmaan Maadey iyo Axmed Yaasin.

Ururka ONLF wuxuu muddo dheer ku jiray halgan uu ku doonayay in ku xoreeyo deegaanada Soomaalida Itoobiya balse waxay heshiiyeen dowladda markii laga saaray ‘liiska argagixisada’ kaddib isbaddalladii ka dhacay dalkaas.

Ururka ONLF oo isu beddelay xisbi siyaasadeed ayaa qorsheynaya in uu ka qeybgalo doorashada soocota ee deegaanka Soomaalida ka dhici doonta sannadka soo socda.