Puntland oo Xukun Dil ah ku Fulisay 5 nin oo Loo Heystay Argagixisanimo.

Bosaaso(GNN):-Maxkamadda Ciidamada Puntland, ayaa dil-toogasho ah ku fulisay shan nin oo lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen ururrada Daacish iyo Al-Shabaab.

Magacyada raga la toogtay  ayey maxkamaddu ku kala sheegtay:

1-Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah.

2-Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah.

3-Sheikh Cabdi Cabdulqadir Sheikh oo 22 jir ah.

4-Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah.

5-Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

Raggan maanta lagu fuliyay dilka toogashada ah ayaa waxaa la sheegay in muddo dheer ay ku xirnaayeen xabsiga dhexe ee magaaladda Boosaaso, kuwaas oo kol hore laga wada qabtay gudaha deegaanada maamulka Puntland.

Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaanka ayaa horay dil ugu xukumay ragaan, waxayna taasi keentay in Maxkamadda ciidamada ee Puntland ay maanta toogasho ku fuliso 5 taas ruux.

Waa markii ugu horeysay oo tiro intaas dhan oo ku eedeysan argagisonimo lagu toogto magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo bilihii la soo dhaafay ay dilal badan iyo qaraxyo ka dhaceen, kuwaas oo masuuliyaddoda ay sheeganayeen dagaalamayaasha Daacish iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyaa in dembiyo aysan galin ay dusha u saaraan dadka ka soo jeeda gobolada koonfureed ee dalka, wallow ay inta badan eedahaas beeniyeen madaxda maamulka Puntland.