‘Qoys ka koobnaa 8 qof oo lagu dilay Qaza’

Qoys ka koobnaa ilaa 8 qof ayaa ku dhintay duqeynta diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay ka fuliyeen marinka Qaza, sida ay sheegeen Falastiiniyiinta.

Warbaahinta gudaha ee Falastiin waxay ku warrantay in 32 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen dagaalladii u dhexeeyay Israa’iil iyo dagaalamayaal Falastiiniyiin ah kaddib markii Israa’iil ay duqeyn ku dishay hogaamiyihii dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ee Falastiin.

Tiro shacab ah oo ka kala soo jeedo Falastiin iyo Israa’iil aya ku dhaawacmay dagaalka, sida laga soo xigtay ilo wareedyo caafimaad oo ka tirsan labada dhinac.

Israa’iil waxay dhinaceeda sheegtay in 20 kamid ah dadka dhintay ay ahaayeen ‘maleeshiyaadka’

Waxaa hadda dhaqan galay heshiis xabad joojin ah oo u dhexeeyo Israa’iil iyo dagaalamayaasha ku sugan Qaza kaddib 2 maalmood uu dagaal xooggaan ka socday halkaas, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Masar iyo Falastiin.

Israa’iil kama aysan hadlin xabad joojinta.

In ka badan 400 oo madaafic ah ayay dagaalamayaasha dhaqdhaqaaqa jihaad doonka ee Falastiin (PIJ) ku tuureen Israa’iil, sida uu sheegay militariga Israa’iil.

Israa’iil waxay duqeysay Qaza gaar ahaan goobo ay ku sheegtay inay yihiin saldhigyada ururka PIJ.