Qoys Maraykan Ah Oo Lagu Laayey Dalka Mexico

Ugu yaraan sadex haween ah iyo lix caruur ah oo u muuqda in ay ahaayeen muwaadiniin Mareykanka ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay waqooyiga Mexico, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Amniga.

Falkaan ayaa waxaa ka badbaaday lix caruur ah, iyadoo dhanka kale la helay cunug yar oo dhaawac daran uu ka Muuqdo.

Xoghayaha Nabadgelyada Mexico, Alfonso Durazo ayaa sheegay in weerarkaan ay ka danbeeyeen kooxaha ka ganacsada daroogada ee ku sugan Mexico.

Wuxuu intaa ku daray in dadkaan ay saarnaayeen gaari laguna qaldamay dilkooda maadaama kooxaha ka ganacsada daroogada ee ku sugan Mexico mudooyinkii la soo dhaafay ugaarsi isugu Jireen.

Inkastoo wali hal cunug nolol iyo geeri lagu la’yahay ayaa hadane waxaa caruurta kale ee ka badbaaday waxaa la geeyay magaalada Phoenix, ee gobolka Arizona.

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa mudo tobanaan sano ku noolaa magaalada La Mora ee ismaaulka Sonora sida ay xaqiijisay dowlada Mexico.