Raysal Wasaaraha Israil Oo Afgambi Ku Tilmaamay Dacwad Lagu soo Oogay.

Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa diiday dhamaan eedo musuqmaasuqa la xidhiidha ee lagu soo oogay khamiista, isagoo sheegay inuusan jagada Raysal wasaaraha banaynayn, inkasta oo eedaha loo jeediyay ay yihiin kuwo mudo dheer soo xidhiidhsanaa.

Netanyahu waxa uu ku tilmaamay eedaha loo jeediyay kuwo been abuur ah oo siyaasadaysan, waxana uu hadalkan ka jeediyay Raysal Wasarahu saacado kadib markii xeer ilaaliyaha guud uu ku eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin laaluush, musuqmaasuq iyo ku xadgudubka dhinaca sharciga ah. Waxana uu dafiray dhamaan eedaha loo jeediyay.

“Waxa halkan ka socda waa isku day la doonayo in afgambi lagu sameeyo ra’iisul wasaaraha,” ayuu yiri Netanyahu. “Ujeeddada baaritaannada la sameeyayna waxa ay ahayd in dawladayda laga saaro garabka midig.”

Khudbad 15-daqiiqo socday, oo uu jeedayay ayuu Netanyahu ku dhalleeceeyay cisbiyada Mucaaridka , hayadaha dawladda, isaga oo ku eedeeyay booliiska iyo garsoorka dhex-dhexaad la’aan, wuxuuna wacad ku maray inuu sii wadan doono shaqadiisa inkasta oo ay dhici karto in la mudooyo maxkamad la saaro raysal wasaaraha.

“Waan sii wadi doonaa hogaaminta dalkan, sida ku xusan warqadda sharciga,” ayuu yidhi. “Uma ogolaan doono beentu inay guuleysato.”

Exit mobile version