Roobab mahiigaan ah oo la filayo inay ka da’aan Bariga Afrika

Roobab mahiigaan ah ayaa lagu wadaa inay ka da’aan dalalka ka tirsan Bariga Afrika, sida ay ku warrantay laanta saadaasha hawada ee BBC.

Roobabkan ayaa sidoo kale la filayaa inay ka dhashaan fatahaado.

Gobolka waxaa saameyn ku reebay fataahadaha ka dhashay roobabka da’y toddobaadkii lasoo dhaafay, kaaso oo ay boqolaal qof ku dhinteen halka boqolaal kun ay guryahooda isaga barakaceen.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in 48 saacadood ee nagu soo aadan in roobabka mahiigaanka ay ka da’aan dhulka sare ee Itoobiya iyo dalka Soomaaliya.

Ha’yadaha gargaarka waxay ka digeen in dadka ka qaxay fatahaadaha ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Meelaha sida weyn ay u saameeyeen fataahadaha waxaa kamid ah magaalada Beledweyne oo ay kumanaan kun oo qof ay ka barakaceen guryahooda.