WARARKA




Shirkada Dhaweeye oo Ku Guuleysatay Tartan Loo Qabtay Hal-Abuurka Ganacsiga Horumarka Sameeyey,+Oo Ka Qayb Galidoona Shir Caalamiya.

Hargeisa(GNN):-Tartan Loo Qabtay Hal-abuureyaasha horumarka ka sameeyey ganacsiga ay dalka ka hirgaliyeen oo ay soo agaasintayย  Hay’ada Shaqa-doon oo lagu qabtay Gudaha Hargeisa,

Waxaan Shirkada Dhaweeye Oo hadda ku guuleysatay Inay kusoo baxdo tartankan loo qabtay shirkadaha kala duwan oo ujeedkiisu ahayd in la helo hal shirkad oo ka qayb galindoonta Shir caalamiya oo Lagu Qabanayo Dibeda.islamarkaana lagaga faalloondoono heerka horumarka ganacsigaย  dunidu u kala horeeyo iyagoona masuuliyiinta shirkada dhaweeye ee shirkan ku matelaya somaliland kusoo bandhigi doonaan Nabadgalyada ka jirta gayiga somalilandย  iyo sida ay ula jaanqaaday Horumarka tiknoolajiyada iyo isticmaalkeeda..

Tartankan oo lagu magac daray Todobaadka Ganacsiga Somaliland ayaa waxaa horumuud ka noqoday shirkadaha doorka laxaadka leh ka muujiyey ganacsiga Shirkadaha DHAWEEYE.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Oo Faahfaahsan.