Somaliland: War-murtiyeed laga soo saaray Shir lagaga hadlay Tacadiyada ka dhanka ah Saxaafadda

Shir laba maalmood ka socday Magaalada Hargeysa oo lagaga hadlayey tacadiyada ka dhanka ah Saxaafadda ayaa laga soo saaray war-murtiyeed laga soo dheegay qodobadii shirka lagaga hadlay.

Guddoomiyaha Ururka SOLJA oo Akhriyey war-murtiyeedka

Shirkan oo uu soo xidhay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland, ayaa waxa qodobada laga soo saaray kamida in dawladdu joojiso xad-gudubyada ay kula kacdo Suxufiyiinta iyo in Wariyeyaashu ku shaqeeyaan gudaha hayndaabka Sharciga oo aanay ka talaabin.

War-murtiyeedka:

Nuqul kamida War-murtiyeedka oo Gobanimonews soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:-

-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo daneeyayaasha saxaafadda Somaliland ayaa iskugu yimid xuska maalinta caalamiga ah ee cidhibtirka gefafka ka dhanka ah warbaahinta oo loo Asteeyay 02 November 2019 socdayna muddo laba cisho waxaanay ka soo saareen baaq ku wajahan sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta warbaahinta iyo dar-dargelinta ilaalinta xoriyadda warbaahinta.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isaga oo ka duulaya muhiimadda saxaafaddu u leedahay qaranka, isaga oo isha ku haya heerka xuquuqda warbaahinta ee Somaliland muddooyinkii u dambeeyay, isaga oo la tashi la sameeyay hay’adaha dawliga ah, kuwa madaxa banaan, ururadda bulshada rayidka ah, masuuliyiinta hay’adaha warbaahinta iyo mihnadlayaasha saxaafadda waxa uu xuska maalintan awgeed u dirayaa baaqan cidda ay khusayso.

Dawladda:

-Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa in ay ilaaliso, joojiso isla markaan meesha ka saarto falalka ka dhanka ah shuruucda ee lagu cabudhinayo warbaahinta, wixii gef ee dhacana loo maro nidaamka sharci ee uu jidaynayo xeerka saxaafadda JSL 27/2004, Dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xoriyadda warbaahinta
-In xukuumaddu dardar-geliso ansixinta xeerka cusub ee warbaahinta ee ay gacanta ku hayso
-In aan suxufi amase hay’ad warbaahineed laga hor istaagin hawl-gal saxaafadeed iyo helista xog ama war muhiim u ah bulshada
-In la xoojiyo hanaanka wada shaqayneed ee ururadda bulshada, mulkiilayaasha saxaafadda iyo suxufiyiinta, waxa kale oo muhiim ah in la kala xadeeyo mulkiilayaasha iyo suxufiyiinta oo ay dawladdu isha ku hayso gabood fallada ku dhaca weriyayaasha ee kasoo gaadha mulkiilayaasha

Saxaafadda:
-Waxa uu ururku uga baaqayaa mihnadlayaasha saxaafadda in ay ilaaliyaan shuruucda warbaahinta u taal, bartaanna shuruucda hagta mihnadda warbaahinta iyo in ay iska jiraan wax kasta oo aan sharciga waafaqsanayn oo u soo jiidi kara dhibaato
-In ay ka faa’idaystaan deeqaha warbarasho ee ay bixiyaan jaamacaddaha dalku sida deeqda ay ka wada shaqaynayaan SOLJA iyo Wasaaradda warfaafintu, anaga oo ka urur ahaan ku bogaadinaynaa talaabooyinka Dhiirigalinta ah ee uu qaaday wasiirka Warfaafinta ee ay ka mid tahay in miisaaniyadda qaranka loogu daro kharash lagu horumarinayo aqoonta suxufiyiinta
-In ay ilaaliyaan nabadda, wadda-jirka bulshada, in ay iska ilaaliyaan buun buuninta iyo faafinta wararka been abuurka ah ee sababi kara jahwareer bulsheed iyaga oo ay waajib tahay in ay dareemaan saamaynta wararkooda iyo warbixinahooda ka hor inta aanay faafin.
-In ay ilaaliyaan Anshaxa saxaafadda ee uu soo saaray ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo faraya in warbixinadda ay fidinayaan noqdaan kuwo run ah, sugan oo dheelitiran.
Mulkiilayaasha Warbaahintu inay siiyaan Suxufiyiinta u shaqaysa xuquuqaadka ay ku leeyihiin, si ay Wariyayaashu bulshadooda ugu adeegi karaan iyaga oo aan ka war warsanayn xaaladahooda nololeed ama aan looga faa’iidaysan baahiyaadkooda Aas aasiga ah ee ay ku leeyihiin hay’addaha ay u shaqeeyaan ee sharcigu jideeyay.
Tafatirayaasha Hay’addaha warbaahintu inay xil iska saaraan masuuliyadda iyo waajibaadka shaqo ee uu saaray Xeerka Saxaafaddu ee ah in lagala xisaabtami doono wax kasta oo ay baahiyaan Suxufiyiinta ka hoos shaqeeyaa

Hay’addaha Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga

Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa dhamaan hay’addaha kala duwan ee taageera Saxaafadda inay laban laabaan qorshayaashooda ku waajahan horumarinta Suxufiyiinta iyo hay’adaha saxaafadda

Ugu danbayn Ururku waxa uu uga baaqayaa dhamaan daneeyayaasha Saxaafadda iyo cid kasta oo ku lug leh arrimaha warbaahinta inay ka qayb qaataan talaabo kasta oo lagu horumarinayo Saxaafadda isla markaana ka dheeraadaan wax kasta oo Sumacd xumo u keeni kara Warbaahinta Somaliland

-DHAMAAD-