‘Trump oo xarigga ka jari doono’ biyo xireenka muranka badan dhaliyay ee laga dhisayo webiga Nile

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wasiirada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudaan wuxuu u sheegay inuu xarigga ka jari doono biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile marka la dhameystiro, sida uu sheegay wasiirka biyaha Itoobiya.

Sileshi Bekele oo ah wasiirka biyaha iyo waraabka Itoobiya ayaa sheegay in madaxweynaha uu hadalkan ka dhawaajiyay xilli Mareykanka uu dhexdhexaadinayay khilaafka ka dhashay qeybsiga biyaha webiga Nile.

Wasiirada arrimaha dibadda saddexda dal waxay isku waafaqeen inay wadahadallo kale ay ku qaban rabaan Mareykanka 15-ka bisha January ee sannadka soo socda si xal kama dambeys ah loo gaaro.

Bayaan si wadajir ah uga soo baxay saddexda dalka oo ay soo saartay waaxda maaliyadda Mareykanka ma aysan sheegin qorshaha Trump uu xarigga ka jari doono biyo xireenka.

Biyo xireeenka ay Itoobiya ka dhiseyso halkaas, waxaa ku kacaya 4 bilyan oo doolar, waxaana la filaya in la dhameystiro sannadka nagu soo aadan.

Masar waxay ka walaacsan tahay in mashruuca uu fursad u siin doono Itoobiya inay maamusho biyaha webiga Nile.

Exit mobile version