Wiil uu dhalay Sheekh caan ah oo Muqdisho kaga badbaaday qarax

Muqdisho(GNN):-Wararka naga soo gaarayo Degmada Yaaqshiid ayaa sheegayo inuu qarax ka badbaaday wiil uu dhalay mid kamid ah Culumada ugu caansan Magaalada Muqdisho.

Wiilka Qaraxa ka badbaaday ayaa waxaa dhalay Sheekh Muuse Cawagweyne oo hadal jeedin u sameeyo xubnaha kasoo goosta Kooxda Al-Shabaab.

Waa markii labaad oo uu wiilkiisa ka badbaado isku day khaarijin, isaga oo aaney waxyeelo daran kasoo gaarin falka loo maleegay.

“Qarax miino oo gaariga lagu rakibay buu ahaa, laakiin waxba kuma noqon, ALLE mahadii,” Ayuu u sheegay qaar kamid ah warbaahinada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa ku waramaya in ay baaritaano ku bilaabeen dhacdooyinkaan, wallow illaa iyo hadda aan cidna loosoo qaban.

Qaraxyadda loo adeegsado Miinooyinka ayay Al-Shabaab kordhisay adeegsigooda bilihii u dambeeyay markii ku fashilmeen qaadista howlgalo waaweyn.

 

Muqdisho Somalia

Gabiley News Network.