Maxkamad ku taala dalka Algeria ayaa laba ka mid ah ra’iisal wasaarayaashii hore ee dalkaas ku riday xukun xabsi ah kaddib markii lagu helay dambi ah inay gaysteen musuqmaasuq.
Ahmed Ouyahia ayaa lagu xukumay 15 sano oo xarig ah halka Abdelmalek Sellal lagu xukumay 12 sano.
Waxaa lagu soo eedeeyey in ay awoodda si xun u adeegsadeen sidoo kalana ay lunsadeen lacago badan, sida lagu sheegay wakaaladda wararka ee AP.
Xukunkan ayaa yimid laba maalin ka hor inta aanan la qabanin doorashada rra’iisal wasaaraha.
Dadka u olole arrimaha bulshada ayaa sheegay inaysan codayn doonin iyaga oo sheegay in musharaxiinta ay xilal ka soo qabteen dowladdii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Mr Bouteflika.