Baarlamaanka Maraykanka Oo Cayimaya Maalinta Xilka Xayuubinta Trump

Golaha aqalka hoose ee Congress-ka Mareykanka ayaa la filayaa in maalinta maalinta arbacada ah ee Todobaadka soo aadan ay u codeeyaan mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump.

Inkastoo si rasmi ahaysan hogaanka aqalka ugu dhawaaqin xiliga ay dhaceyso codeynta xilka xayuubinta ah ayaa hadane gudiga garsoorka Congress-ka waxay ka arinsan doonaan maalinta Talaadada.

Sida uu qabo sharciga ayaa waxaa la doonayaa in 435 xubnood oo aqalka kooban yahay in badi ay u codeeyaan mooshinkaan si ay u meel marto xil ka qaadida Trump.

Lama oga in xisbiga Dimuquraadiga ah ay u meel mari doonto ololahooda ka dhanka ah Donald Trump oo markale loolan ugu jira dib u doorashadiisa sanadka soo socda ee 2020-ka.

Maalintii Jimcaha ayey aheyd markii golaha aqalka hoose ay meel mariyeen laba qodob oo Trump ka dhan ah kuwaasi oo ahaa in si cad uu ugu tagri falay Awooda kadib baaritaano ay Sameeyeen