Ceebtii Ka Dhacday Etihad, Falalkii Cunsurnimada Iyo Fred Oo Si Murugo Leh Uga Hadlay

Guul-darradii Manchester City kasoo gaadhay kulankii xalay ay ku martigelisay Manchester United, waxa u wehelinayey canaan iyo cambaarayn ba’an oo uga timid dunida, kaddib fal dhaqanka ka baxsan oo ay jamaahiirtu kula kaceen laacibka reer Brazil ee Fred oo ahaa tiirka burburiyey xiddigihii Pep Guardiola ee khadka dhexe ee Rodri, Silva iyo De Bruyne.

Qaybtii labaad ee ciyaarta, xilli uu Fred koorne ka soo laagayey baasha midig ee garoonka ayaa waxa madaxa kaga dhacay walax laga soo tuuray dusha sare oo ay jamaahiirta Manchester City la soo eegteen, waxaana laacibkani fadhiistay dhulka isagoo madaxa is haya, laakiin waxa halkaas ugu tegay qaar ka mid ah ciyaartoyga labada kooxood iyo garsooraha oo niyadda u dhisay.

Falka lagula kacay Fred kuma koobnayn waxa lagu soo tuuray oo kaliya, laakiin waxa wehelinayey aflagaadooyn cunsurinimo ah iyo cay, taas oo qasabtay inuu u tago garsooraha oo uu ka dacwoodo ka hor intii aan la soo shiidin.

Cunsuriyadda lagula kacay Fred ayaa waxa kale oo kala sinnaa Lingard oo isagana aflagaadooyin loo geystay intii ay ciyaartu socotay.

Fred oo warbaahinta ESPN Brazil la hadlay ciyaarta kaddib ayaa waxa uu sheegay in ay wali bulshadu tahay mid dib u socota, nasiib-darrona ay tahay in garoomada ay waxani ka dhacaan.

“Waa nasiib-darro in waxani ka dhacayaa garoomada. Halkan ayay ka dhacday, qaar ka mid ah saaxiibbaday oo Ukraine jooga ayay ku dhacday. Wali waxaynu nahay bulsho dib u socota.” Ayuu yidhi Fred oo intaa ku daray: “Waa wax laga murugoodo, laakiin waa in aan madaxyadeena sare u hayno oo aan iska illowno wixii dhacay. Ma siin karno iyaga wax dareen ah, sababtoo ah waa waxa ay dhamaantood doonayaan. Waxaan la hadlay garsooraha ciyaarta kaddib, tallaabo ayaanay ka qaadi doonaan.”

Manchester United ayaa sheegtay in dhacdadan ay ku wargelisay garsooreyaashii ciyaarta iyo mamulka ciyaaraha dalka, laakiin wxa iyaduna aan ka aamusin Manchester City oo sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto.

War-saxaafadeed kasoo baxay Manchester City ayaa waxa lagu sheegay in ay si dhow ula shaqayn doonto ciidamada Booliska, isla markaana ay garoonkeeda ka mamnuuci doonto taageerihii soo tuuray walaxdii ku dhacday Fred.

Exit mobile version