Dhoobo daareed oo xildhibaanimadii laga qaaday

Baarlamanka Puntalnd ayaa xasaaanadii ka qaaday gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), kaddib mooshin ay ka keeneen 38 mudane.

Dhoobo ayaa lagu eedeeyay dagaalkii ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland taasi oo isagu ku eedeeyey inay xukuumadda ka dambaysay.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa waxaa ay cod gacan taag ah 39 mudane xasaanaddii uga qaadeen xildhibaan hore Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) halka Guddoomiayaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland uu ka aamusay.

Waa Kuma Dhoobo Daareed?

Dhoobo Daareed Waxa uu horay uga soo shaqeeyey Sharikadda isgaarsiinta ee Golis.

Waxa uu kamid ahaa ururkii Al Itaxaad oo 1992-dii iskudayay in ay gacanta ku dhigaan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya.