Wararka aan ka heleyno koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in xubno Shabaab ah uu ku qarxay gaari qarax ay ku diyaarinayeen.
Dad ku nool deegaan lagu magacaabo Dabagalo oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa noo sheegay in mar qura casir liiqii shalay ay ka war heleen qarax aad u xoogan oo ka dhacay xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel duleedka ka ah deegaankaas oo u dhaxeysa Dabagalo iyo degaanada Miliqo oo hoos taga degmada Xarardheere.
Dadka noo waramay ayaa sheegay in seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay Al-Shabaab ku howlanaayeen diyaarinta qaraxaas, wallow aysan sheegin halka loo waday.
Dhamaan xubnihii diyaarinayey qaraxaas iyo dagaalamayaal kale oo ku sugnaa xarunta lagu dhex sameynayey ayaa la sheegay inay goobta ku dhinteen, sidoo kale waxay dhaawacyo soo gaareen inta badan maleeshiyaadkii kale ee ku sugnaa xarunta, in kasta oo aan la xaqiiji karin tirada rasmiga ah ee Al-Shabaab uga geeriyootay qaraxaas.
Ma cada wali halka ay Al-Shabaab doonayeen inay ku weeraraan qaraxa fashilmay, waxaana xusid mudan in habeeno ka hor qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari uu ka dhacay magaalo madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo.
Waxuuna bartilmaameedka qaraxaasi ahaa saraakiil ay ka mid ahaayeen Taliyaha ciidanka dhulka iyo kan qeybta 21aad ee Militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ka badbaaday, waxaana qaraxaas ku dhintay ku dhawaad 20 ruux oo u badnaa rayid, iyadoo in ka badan 40 ruuxna ay ku dhaawacmeen.
Qaraxaan fashilmay ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ay ka socdaan dadaallo lagu yagleelayo maamul cusub oo ay yeelato Galmudug.
Dhanka kale Dhuusamareeb iyo magaalooyinka waaweyn ee Galmudug ayaa aad loo adkeeyey amaankooda, waxayna ciidamada amaanku si joogto ah uga sameeyeen howlgallo iyo baaritaano guri-guri ah.