Haweenay u socotay kiis maxkamadeed oo dab la qabadsiiyay

Gabadh 23 sano jir ah oo u socotay dhagaysa dacwadda nimankii kufsaday ayaa dab lagu qabadsiiyey Waqooyiga Hindiya.

Haweenaydan ayaa hadda ku jirta xaalad khatar ah.

Shan nin oo uu ka mid yahay ninkii kufsaday ayaa la xiray, sida ay booliska sheegeen.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday magaalada Unnao.

Waxaa horay loo dilay laba ka mid ah ehelkeeda, sidoo kale waxaa la dhaawacay garyaqaankii gabadha u doodayay.

Arrinkan ayaa buuq badan ka dhaliyey gudaha Hindiya