Fannaan u dhashay dalka Kenya oo lagu magacaabo King Kaka, ayaa hees uu ugu magac daray “Doqomo ayaa tihiin” ayaa waxa ka dhashay buuq.
Heestan ayaa lagu sheegay faddeexadaha musuqa ee ay madaxda dalka Kenya gaystaan, iyada oo uu sidoo kale codbixiyayaasha ku eedeeyey inay madaxdaan doortaan.
Waxa uu sheegay fannaankan in loo hanjabay uuna dadka ka codsanayo inay u soo duceeyaan.















