Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane oo ahaa madaxa sirdoonka maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay magaalada Hargaysa ee Maamulka Somaliland.
Sargaalkan la qabtay ayaa loo gacan galinayaa dawlada Itoobiya, kaasoo loo haysto xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda aadamaha oo ka dhacay degaanka Somalida Itoobiya xilligii Cabdi Maxamuud Cumar uu degaanka ka talin jiray.
Mukhtaar Sh Maxamed Suubane ayaa horey uga tirsanaa Saraakiisha u saraysa ee Ururka ONLF, balse markii uu kasoo goostay Ururka ONLF ayay dawladdii xilligaas degaanka ka talin jirtay ee Cabdi Maxamuud Cumar waxay ka dhigtay madaxa sirdoonka ee degaanka.