Madaxweyne Uhuru Oo Saldhig Ciidan Oo Cusub Ka Furay Gaarisa

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta magaalada Gaarisa ka furay saldhig cusub oo ay yeelanayaan ciidamada cirka ee dalkaas.

Saldhiggan ayaa noqon doona midka ugu weyn ee ciidamada cirka dalka Kenya ay leeyihiin, lagana ilaalin doono ammaanka guud ee dalka Kenya.

Mas’uuliyiinta Kenya waxay sheegeen in saldhiggan cusub uu qayb ka qaadan doono la dagaalanka Al-Shabaab, oo weeraro badan ka fulisay gobolka Waqooyi Bari.