Maydka Wiil Ay Toogteen Boolisku Sabtiidii Oo La Helay Isaga Oo Dugaag Cunay.

Waxaa maydkiisa oo dugaag cunay qayb jidhkiisa ka mid ah laga helay beer ku taala galbeedka Wajaale wiil labaatan iyo toddoba jir ah oo ay toogteen ciidanka Booliska ee degmada Wajaale.

Wiilakan ayaa la la’aa ilaa Sabtidii waxaana tilmaan ku sheegay labbo wiil oo la socday kadib markii ay ciidanka Booliska Wajaale rasaas dhabarka kaga dhufteen.

Maydka marxuumka ayaa hadda la keenay saldhiga Booliska Wajaale, waxaana hadda kulamo u socdaa lamaaha amaanka ee heer dagmo iyo Gobol.

Wiilkan ayaa laga magacaabi jiray Caydaruus Maxamed Daahir, waxaana soo heshay maydkiisa hooyadii oo raadinaysay ilaa Sabtidii iyadda oo aan kaalmo ka helin laamaha amniga.