Norway Oo Shaacisay Inay Baabiinayso Urur Diimeedka Somali ah Oo Isku Haysta Masjidka Towfiiq.

Dowladda Norway ayaa ka digtay haddii xal degdeg ah laga gaarin khilaafka masjidka Towfiiq in ay tirtiri doonto urur diimeedka Towfiiq oo ah ururka gacanta ku hayay masjidka Soomaalidu isku haysato.

Go’aankaan haddii la gaaro ayaa ka dhigan in ururkaan uu lumin doono xuquuqda urur diimeednimo, uuna gabi ahaanba waayi doono taageerada dhaqaale ee dowlada iyo gobolka.

Dowladda Norway ayaa sheegtay in aysan weli ogayn maamulka saxda ah ee masaajidka Towfiiq, kaas oo maamulkiisa ay mudo isku heysteen labo koox oo Soomaali ah.

Dowladdu waxay kaloo sheegtay inuu jiro khilaaf ka taagan ururka waqafka ee ku qoran lahaanshaha dhismaha masjidka.

Khilaafka masjidka oo salka ku haya arrimo qabiil oo Soomaalida dhexdeeda ah, ayaa dhinacyada isku haysta waxay haystaan shan isbuuc oo ay xal uga gaaraan khilaafka dhexdooda ah, hadii ay taas dhici weydana ay tirtiri doonaa ururka Towfiiq.

Ururka Towfiiq, ayaa waxaa xubin ah 8000 oo xubnood. Wuxuuna ahaa urur soo jiray ku dhawaad 30 sano, waana meesha ugu weyn ee Soomaalida Norway ay ku mideysnayd.