Raisal Wasaraaha Swedan Oo Masiibadii Doorashada Ka Tacsiyeeyey Jeremy

Waxaa iminka caddaatay, isla markaana aannu ku tallaabsan karnaa bilaabidda howshii heshiisyada xiriirka EU la yeelan doono dalka Boqortooyada Ingiriiska kolka uu dalkaasi ka baxo xubinnimada EU 1-da bisha feeberaayo, sida uu sheegay madaxa dawladda Sweden mar uu warreeysi la yeeshay Andreas Liljeheden oo Ekot uga soo warramma magaalada Brugsell ee xarunta ururka Midowga Yurub.

Xisbiga garabka midig ee Tories ayaa sidii la filayeyba ay guushii ku raacday doorashadii khamiistii shalayto ka dhacday dalka Boqortooyada Ingiriiska, iyadoona ay iminka suurtagal noqotay inuu dalkaasi ka bixi doono xubinnimada EU 31-ka bisha jannaayo ee 2020.

Waxay masuuliyaddaasi saaran tahay shacabka ingiriiska iyo ciddii ey u dooran lahaayeen hoggaanka dalkooda, sida uu sheegay madaxa dawladda Irland, Leo Varadkar oo ku sugnaa kulan ey hoggaamiyeyaasha waddammada ku midoobey EU uga socday magaalada Brugsell.

Dhanka kale ayuu madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven ayaa uga tacsiyeeyay hoggaamiyaha xisbiga ay xulufada yihiin xisbigiisa ee Labour, Jeremy Corbyn oo uu xisbigiisu doorashadii ku hantiyay taageeradii ugu liidatay wixii ka dambeeyay sannadkii 1935.

Waa arrin laga xumaado. Aniga ahaan, qof socialdemokrat ahaan waxay iila muuqataa mid aan wanaagsanayn, hase yeeshee waa sida ay u muuqato, sida uu sheegay Stefan Löfven.

Natiijada cad ee ka soo baxday doorashadii ka dhacday dalka Boqortooyada Ingiriiska waxay shaaca ka qaadaysaa inuu dalkaasi ka laaban doono xubinnimadii EU 31-ka bisha jannaayo ee foodda innagu soo haysa.

Waxaana dabadeed bilaaban doonta tallaabadii labaad ee Brexit ee ahayd sidii looga wada xaajoon lahaa sida uu u ekaan doono xiriirka mustaqbalka ee dalkaasi iyo EU. Waa wadahadallo u baahan in heshiis lagaga gaaro dhan walba tusaale ahaan ganacsiga, kalluumeeysiga iyo ammaanka.

Qaybtan ayaa lagu sifeeyay inay noqon doonto midda ugu adag, kolka loo barbar dhigo furriinka iyo kala tagga EU iyo dalka Boqortooyada Ingiriiska. Caadiyan waxey howlaha noocani qaataan dhowr sannadood, hase yeeshee ay rajada Boris Johnson tahay in la soo gabagabeeyo inta ka horreeysa xilliga kala guurka ee Brexit illaa iyo gabagabada sannadka foodda innagu soo haya. Waana mid aaney dad badani aaminsaneyn in howlaha hor yaala oo dhan lagu fulin karo.