War kasoobaxay komishinka booliska Deegaanka Soomaalida, ayaa lagu sheegay in ay 4 ruux,( 3 dumar ah iyo 1 rag ah) ay geeriyoodeen, halka 11 ruuxna dhaawacmeen, kadib markii mid ka mid ah basaska raakbka ee loo yaqaano mini-baaska uu gadoomay.
Maxamad Siyaad, oo ah madaxa-dambi ka hordaga ee Gobolka Faafan oo la hadalay SRTV, ayaa sheegay in baskaas oo kabaxay magaalada Jigjiga kunasii jeeday degmada Dhagax-buur ee Gobolka Jerer, uu ku rogmaday tuulada xoodhley ee duleedka magaalad Jigjiga abaaro 10kii galabnimo ee maanta, maxamada ayaa intaas ku daray in 11ka ruux ee dhaawacmay, 7 ka mid ihi ay xaaladoodu culustahay laguna daawaynayo cusbitaalada Kaara-mardha iyo Sheekh Xasan-yabaree ee magaalada Jugjiga.
Baaburkan ayaa shilkan galay, kadib markii uu jidka ka baxay xaawaraha uu basku ku socday oo sareeyay awgeed.