Siyaasiyiinta Somaliland Wax Ha Ka Bartaan Qaabkii loo Xalliyey Xanaftii Ka Dhalatay Doorashooyinkii Kenya!Faallo: Maxamed Cirro.

Hargeisa(GNN):-Taariikhdu markii ay ahayd sannadkii 2017, waxa dalka Kenya ka qabsoomay doorashooyin badan oo hal mar wada qabsoomay, kuwaasoo isugu jiray doorashooyinka Madaxtooyada, labada aqal ee Baarlamanka iyo Badhasaabada Gobollada Kenya, waxaanna doorashadaas ku loolamay ilaa shan xisbi iyo murrashaxiin kale oo madaxbannaan, iyadoo doorashada qabsoontay 8 August 2017 ay natiijadeedu noqotay in guushu ku raacday xisbiga talada haya oo ay ka sharaxnaayeen Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuro Kenya iyo Ku-xigeenkiisa Mr. William Ruto.

Hasayeeshee, xisbiga ugu weyn ee Isbahaysiga mucaaridka Kenya (National Supper Alliance) oo ay u sharaxnaayeen siyaasiga caanka ah ee Mr. Raila Odinga, horena xilka Ra’iisal-wasaarenimo uga soo qabtay dalka Kenya iyo Mr. Kolonzo Musyoka oo murrashax-ku-xigeenkiisa ahaa, ayaa ku gacan-saydhay natiijada doorashadaas iyo kalsoonidii Guddidii Doorashooyinka oo ay ku eedeeyeen inay xisbigooda ka eexdeen, waxayna dacwad u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka Kenya, waxayna Maxkamaddu soo saartay qaraar ay ku laashay natiijada doorashadii Madaxtooyada, balse waxay ansixisay natiijooyinkii kale ee doorashooyinka Baarlamanka (labada aqal) iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada dalkaas, iyadoo amartay in mar labaad lagu celiyo doorashada Madaxtooyada.

Waxa kaloo ay Maxkamaddu diiday in la kala diro Guddidii Doorashooyinka Kenya, iyadoo isla Guddidaas Mucaaridku cabashada ka muujiyeen la amray inay maamulaan doorashada kale ee ku-celiska ahayd oo qabsoontay bishii October, 2017-kii, waxaanna doorashadaas qaaddacay oo diiday inay ka qaybgalaan xisbiga Isbahaysiga Mucaaridka ee uu hoggaaminayey Mr. Raila Odinga, balse waxa doorashadaas galay xisbiyada kale ee ka diwaangashan Kenya, iyadoo uu mar kale si aqlabiyad ah ku guulaystay xisbiga muxaafidka ah ee uu hormuudka u yahay Madaxweyne Uhuro Kenyatta.

Doorashooyinkaas ka qabsoomay Kenya sannadkii 2017-kii, waxa ka dhashay rabshado khasaare badan sababay, waxayna murrashaxiintu isku jeediyeen hadallo nacayb iyo aflagaadooyin xambaarsan, taasoo si weyn u kala qaybisay bulshada ku dhaqan Kenya oo qabyaaladdu biyo-dhigatay sida Somaliland oo kale.

Haddaba, arrinta cajiibka ah ee markii dambe soo baxday ayaa ahayd qaabkii hoggaamiyeyaasha Kenya ee isugu jira mucaaridka iyo muxaafidku, gaar ahaan labadii xisbi ee loolalanka ugu adag dhexmaray ay u soo afjareen xanaftii iyo nacaybkii ka dhashay xummaddii doorashooyinka, arrintaas oo uu hormuud ugu ahaa Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuro Kenyatta.

Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Uhuro Kenyatta, Ku-xigeenkiisa Mr. William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee ugu weyn Kenya Mr. Raila Odinga, murrashax-ku-xigeenkiisii Mr. Kolonzo Musyoka, ayaa isugu yimi kulan dadweyne aad u badan ka qaybgaleen oo ka qabsoomay hudheel ku yaal magaalada Nairobi taariikhdu markii ay ahayd 31 May 2018, kuwaasoo si buuxda iskaga laab-xaadhay, iskana cafiyey hadalladii iyo dagaalkii qalafsanaa ee ay isweydaarsadeen xiliyadii lagu jiray ololaha doorashadii ka dhacday Kenya bishii August ee sannadkii 2017-kii, taasoo muran ka dhashay kadib ay Maxkamadda Sare ee Kenya amartay in doorashada dib loogu celiyo, iyadoo haddana qabsoontay bishii October 2017-kii.

Madaxweyne Uhuro Kenyatta oo makarafoonka qaatay, ayaa khudbad dheer oo uu halkaas ka jeediyey, kadib waxa uu masraxa ugu yeedhay Madaxweyne-ku-xigeenkiisa Mr. William Ruto oo agtiisa soo istaagay, kadibna waxa uu yeedhay hoggaamiyaha mucaaridka Mr. Raila Odinga iyo murrashax-ku-xigeenkiisii Mr. Kolonzo Musyoka, waxayna afartooduba soo istaageen masraxii dadka hortooda.

Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Uhuru Kenyatta oo hadalka bilaabay, ayaa sheegay in xiligii lagu jiray ololihii ka dhacay Kenya sannadkii 2017-kii ay mucaaridka iyo muxaafidku si xun oo qalafsan eedaymo isugu jeediyeen, isla markaana ay isku yidhaahdeen weedho iyo hadallo halis ah oo waxyeelo gaystay, waxaannu hoggaamiyaha Mucaaridka Mr. Raila Odinga oo dhinaciisa taagnaa ka codsaday inuu ka saamaxo wax kasta oo uu ka tirsanayo, isagoo halkaasna ku siiyey xaal iyo raaligelin buuxda.

“Waannu iska ololaynay oo midkaayaba midka kale ayuu ololaha kaga soo horjeeday, waxa aannu isku nidhi waxyaabo xunxun oo mid walba uu midka kale u jeediyey, waxyeelo ayaannu isku gaysanay, markaa aniga oo ku hadlaya naftayda waxa aan leeyahay; ‘walaal Raila, waxa aan ku weydiisanayaa in aad i saamaxdo, raaligelin buuxda iyo xaal ayaanan ku siiyey,” ayuu yidhi Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Waxa kaloo isna markiisa makarafoonka qabsaday Mr. Raila Odinga, ayaa halkaas ka sheegay in la gaadhay xiligii laga soo gudbi lahaa xanaftii doorashada, lagana wada shaqayn lahaa sidii loo midayn lahaa dadka reer Kenya ee ku kala qaybsamay doorashooyinkii qabsoomay sannadkii 2017-kii, waxaannu ka codsaday Madaxweynaha Kenya inuu ka saamaxo hadalladii xanafta lahaa iyo ceebayntii uu u jeediyey xiligii lagu jiray ololaha.

“Aniga oo ku hadlaya naftayda, afka kooxdayda, waxa aan dadka hortooda xaal iyo raaligelin ku siinayaa walaalkay Uhuro Kenyatta, iyadoo aannu kulankan intii aannu bilaabmin ka hor aannu yeelanay wada-xaajood oo waxa uu igu eedeeyey in aan caayey, aniguna waxa aan u sheegay; ‘sidoo kale adiguna waad i cayday.’ Waxa uu igu sheegay in aan ahayn nin waalan, markaa waxaas oo dhan waan ka saamaxay, xaal ayaanan siiyey,” ayuu yidhi Mr. Raila Odinga, waxaanna halkaas ka dhacay sacab aad u xooggan oo ay tumayeen dadkii kulankaas goob-jooga ka ahaa, iyadoo sidoo kale ay halkaas isku laab-xaadheen masuuliyiinta kale ee Ku-xigeennada u ahaa Madaxweynaha Kenya iyo Hoggaamiyaha Mucaaridka.

Haddaba, siyaasiyiinta xisbiyada qaranka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, ahna murrashaxii Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), murrashax-ku-xigeenkiisii Md. Maxamed Cali Aw Cabdi, Guddoomiyaha UCID, ahna Murrashaxii Madaxweynaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo murrashax-ku-xigeenkiisii Prof. Axmed Muuse Abyan, waxa looga baahan yahay inay arrintaas wax ka bartaan, kana faa’iidaystaan, isla markaana ay meel fagaare ah isugu yimaadaan, iskana raaligeliyaan hadalladii qadafka ahaa ee uu dhinacba dhinace kale u jeediyey xiligii lagu jiray ololaha doorashadii Madaxtooyada ee ka qabsoontay Somaliland 13 November 2017-kii.

Qaabkii ay xisbiyada Somaliland u ololeeyeen ee ay xisbiyada qaranku ugu dhex milmeen qabyaaladda dalkeena ragaadisay iyo eedaymihii been-abuurka ahaa ee ay isku jeediyeen, waxay sababtay in kala-qaybsanaani ku timaado bulshada reer Somaliland ee xisbiyada kala taageersan, gaar ahaan qabiilooyinka ay ka soo kala jeedeen murrashaxiintii tartamaysay,  taasoo keentay in xanaftii arrimahaas ka dhalatayna ay taagan tahay ilaa imminka oo ah laba sanno kadib doorashadii la qabtay 2017-kii, iyadoo doorashadaas Madaxtooyada iyo qaabkii loo maamulay aannu midna wax eed iyo ceeb ah lahayn, balse khaladka iyo ceebaha ugu xun waxay dhaceen xiligii lagu jiray ololaha, waana arrin u baahan in ceebahaas uu xisbi walba qaato masuuliyaddii uu ku lahaa, la iskana wada saamaxo, shacabkana si wada-jir ah loo mideeyo.

Halkan hoose ka daawo qaabkii ay Siyaasiyiinta reer Kenya isku laab-xaadheen iyo kaftankii meesha ka dhacayba.

 

https://allafrica.com/stories/201806010497.html

waxa isku soo ururiyey Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland