Telefishanka CNN Oo Warbixin Ka Diyaariyey Saameynta Isbeddelka Cimiladu Ku Yeelatay Somaliland!

Telefishanka Caanka ah ee CNN oo laga leeyahay Dalka Maraykanka ayaa warbixin ka sameeyey saameynta taban ee isbeddelka cimiladu ku yeelay Jamhuuriyadda Somaliland.

Jomana Karadsheh oo ah Weiyaha arrimaha caalamiga ah ee Telefishanka CNN, ayaa booqasho ku timid Jamhuuriyadda Somaliland, waxana  warbixinteeda oo Wakaaladda Wararka ee SOLNA soo xigatay ay ku sheegtay in roobab waaweyn iyo daad ay barokiciyeen  kumanaan qof  oo ku nool deegaanno ka tirsan Somaliland. Halka  ay roobabku baa’biiyeen wax-soo-saarkii beeralleyda.

Weriyaha CNN waxay booqatay xeryo ay degan yihiin dadkii abaaraha ku baro-kacay oo ay tilmaantay in magaalooyinka yimaadeen markii saddex meeloodoow laba ay ka baxeen xoolihii ay dhaqan jireen. Warbixinta CNN  waxa  ay intaas ku dartay  inay Somaliland tahay dal ay dhab ahaan saameeyeen isbeddelka cimilada Adduunku.

Sacdiya Muuse ayaa u sheegtay Telefishanka CNN in dawladaha reer galbeedka ee qiiqa badan hawada ku sii daayaa ay masuul ka yihiin isbeddelka cimilada isla markaana ay Somaliland  soo gaadheen waxyeelladii ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunku.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Ismaaciil Bandare ayaa  u sheegtay Telefishanka CNN in dhibaatada isbeddelka cimiladu ay  taabatay Somaliland, iyadoo aanu dalku haysanin Ictiraaf caalamiya.

Telefishanka CNN waxa uu ku soo gabogabeeyey warbixintiisa  in Xukuumadda JSL ay doonayso inay soo jiidato  maalgashiga caalamiga ah, waxana ay ka warameen heshiiska lagu casriyeynayo dekedda Berbera ee ay wada galeen JSL iyo  Shirkadda DP World.

XIGASHO SOLNA