Waftigii Xildhibaanada Somaliland Ka Socoday Oo Kulamo La Qaatay Madaxda Xarunta Midowga Yurub iyo Jaaliyada Ku Nool Bilgiumka.

UK(GNN):-Wafti ka kooban xildhibaanada labada gole qaran ee wakiilada iyo guurtida somaliland oo maalmihii ugu danbeeyey safaro shaqo ku joogay dalalka yurub ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda xarunta midowga yurub iyo Jaaliyada reer somaliland oo ku nool dalka bilgiumka, Waxaana waftigan oo ay hormuud u ahayd marwo faadumo siciid ay gabogabadii kulamo gooni gooni ah la qaateen jaaliyada ku dhaqanka dalka bilgium halkaas oo ay Madaxda jaaliyada reer somaliland ee dalkaasi si heersare ah usoo dhaweeyeen, una balanqaaday in dhismaha qaranka somaliland ay diyaar ula yihiin, sidii isu barbartaagi lahaayeen, khudabado kala duwan oo la jeediyey madashan ay ku kulmeen Jaaliyada Somaliland dalka bilgium iyo Waftigan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta ahi ayaa u dhacay sidan.

Halkan Hoose Ka Daawo Nuxurka Khudbadaha Laga Jeediyey madashaasi.