Hargeisa(GNN):-Warar hordhac oo soogaadhay Shabakada gabiley News Ayaa Sheegaya in galabta fiidkii ay ciidamada Dawlad deegaanka somalida ethiopia ee lagu magacaabo New boolisku ee ku sugan daanta shishe ee degmada allaybaday rasaas ku dilaan dad shacab ah oo ku sugnaa meherada badhtahaha suuqa degamada allaybaday, Waxaana sida wararku sheegen falkan ka bilaabmay kadib markii ciidamadu hor istaageen mid kamida buubuur uu leeyahay odayaasha degmada allaybaday oo ay ciidamada daanta shishe hor istaageen, taas oo keentay in markii dadka deegaanku kala hadleen in gaadhigan ay qabsadeen yahay gaadhi laga leeyahay degmada ay ku bilaabeen rasaas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac dadkii rayidka ahaa ee degamda ku sugnaa.
Intaa Kadib Waxaa Wakhtiyar uun ka hor haddana wararku sheegayaan in ay ciidamada new boolisku dileen hal wiil halka ay mid kalena dhaawaceen, askartan dadka ku laysay deegaanka ay sida goobjoogayaal xaqiijiyeen ku labisan dharka ciidamada dawlad deegaanka somalida ethiopia ee lagu magacaabo News booliska.
Xaalada degmada allaybaday ayaan deganayn, taas oo wakhtigan laga cabsi qabo inay ka dhacaan kacdoon shacab oo sababa khasaaare ka badan ka dhacay deegaankaasi.
Tirada dhimashada Ilaa hadda deegaanka ay ku dileen ciidamdani ayaa La xaqiijiyey inay yihiin Ilaa Laba Wiil oo dhalinyar ah, halka ay jiraan Dhaaawacyo kale oo intaa Ka badani.
ma jiro ilaa hadda Wax talaabo ah oo ay Qaadeen labada Dawladood ee Xuduuda Ku Wadaaga Xadka degamada Allaybaday, oo ah Somaliland iyo Dawlada Itoobiya.
La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha Arrintan.
Gabiley News Network