Al-shabaab Oo Macallimiin ku Dishay Gobolka Gaarisa Ee Kenya.

Al-shabaab ayaa dilay 3 macallimiin dugsi hoose ah iyo dhaawaca hal arday, kadib markii ay weerar ku qaadeen tuulada Kamuthe, oo ka tirsan gobolka Gaarisa abbaara labadii habeenimo ee xalay.

Al-shabaab waxay sidoo kale burburiyeen anteeno isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda Safricom intii uu socday weerarka.

Sida boolisku sheegay, dableydu waxay weerareen Xarunta Kheyraadka Kamuthe, halkaas oo ay ku dileen seddexda macallin.

Macallimiin dheddig ah iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo ka tirsan machadka ayaa la sheegay inay ka badbaadeen toogashada ka dib markii ay aqoonsadeen kooxda wax weerartay.

Dhanka kale, booliska ayaa durbadiiba gaaray, iyagoo halkaas ka wada baaritaanka kuwa weerarka soo qaaday.

Horantii bishaan, Al-shabab waxay weerareen xero militari oo ku taal Lamu, halkaas oo lagu dilay 3 Mareykan ah.