Nigeria iyo Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay dadkooda kalsooni weyn ku qabaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, sida lagu sheegay baaritaan ay dhawaan xarunta Pew Research samaysay.
Warbixinta, ayaa looga gol lahaa in lagu ogaado sida ay dadka u arkaan Mr Trump.
65% u dhashay dalka Kenya ayaa kalsooni weyn ku qaba Mr Trump, halka Nigeria 58% ay sidoo kale aaminsanyihiin madaxweyne Trump.
Kenya iyo Nigeria ayaa ka mid ah dalalka deeqaha dhanka dhaqaalaha ka helo dowladda Maraykanka.