Hargeisa(GNN):-Shirkada Dahabshiil Group oo ka qeyb ahayd Xaflada Daahfurka Adeega eShiling oo ah adeeg uu soo bandhigay Baanka Dhexe ee Somaliland oo shaqaalaha Dowadda u suurtogalinaya inay mushaharkooda ku qaataan Simcard-ka Somtel iyo adeegga eDahab.
Qorshahan ayay shirkaddu ku soo bandhigtay munaasibad madaxweyne ku-xigeenka Somaliland maanta ku daah-furay adeeg cusub oo loo yaqaano E-Shilling oo hindisihiisa uu suurta-galiyey Bangiga Dhexe, kaas oo lagu bixin doono mushaharka shaqaalaha dowladda.
Fursadan ayaa u saamaxaysa Shaqaalaha kala duwan ee Dowadda Somaliland ee lambarkooda Somel iyo adeega eDahab ku isticmaala Mushaharka Dowladda kuna xidha Xisaabahooda Baanka Dhexe inay heli karaan Mobile casriya oo wata Somtel 4G Internet Data + ku hadal aan xadi lahayn (unlimmited calls) taas oo ay shaqaaluhu ku bixin karaan hafto ahaan muddo sannad ah ama 12 Billood, Bill walbana laga jarayo mushaharkooda lacag kooban oo aan culays ku noqonayn qofka shaqaalaha ah.
Sidoo kale, Maareeye ku xigeenka Guud ee Dahabshiil group Mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi wuxuu sheegay in arrintani suurto-galinayso in shaqaalaha Dowaddu ay ka faa’iidaysan karaan Maalgelinaha Dahabshil Bank iyo Maalgelinaga yaryar (MicroFinance) ee Shirkadda Dahabshiil bixiso, iyada oo qofka shaqaalaha dowladda ah ee doonaya in la siiyo maalgelin ay caddayn u noqonayso dakhligiisa dhaqdhaqaaqa Xisaabtiisa eDahab iyo Simcard-ka Somtel oo marka la arko dakhliga soo gala bill walba iyo mushaharkiisa uu jaanis u heli karo in ay Shirkaddu siiso maalgelinta uu soo dalbaday.
Hargeisa Somalilad