Guddiga doorashooyinka Itoobiya oo soo jeediyay waqtiga la qabanayo doorashada guud

Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa soo jeediyay in 16-ka bisha Agoosto ee sannadkan la qabto doorashada guud ee la filayo in dalkaas ay ka dhacdo.

Waxay sidoo kale guddiga soo saareen jadwalka doorashada oo qabyo ah kaas oo muujinayo in 7-da bisha Apriil ay bilaabaneyso xilligga la diiwaan gelinayo codbixiyaasha.

Waxaa jiray baaqyo kasoo baxayay qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda ee dalka Itoobiya kuwaas oo ku baaqayay in dib loo dhigo doorashada ilaa sannadka dambe.

Doorashada Itoobiya ayaa 5 shano hal mar la qabtaa balse ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan sheegay in muhiim ay tahay in doorashada la qabto xilliggii la qorsheeyay.